Dalka Jabuuti oo aan laga dareemin sicirka bararka dhanka cuntada
Dalka Jabuuti, ayaanu saameyn sicirka dhanka cuntooyinka, iyadoo dalal kale ee Bariga Africa uu si ba’an u saameeyey.
Xukuumadda dalka Jabuuti, ayaa u sheegtay ganacsatada, in aanay sameyn karin qiimo kordhin aan lala ogeyn.
Waxay tallaabadani caawisay dadka dalkaas, xilligan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadhaan.
Mid kamid ah ganacsatada Jabuuti oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in uu jiro culeys iyaga saaran.