Muhaajiriin kor u dhaafaya 100 ruux oo laga soo badbaadiyay Xeebaha Wadanka Liibya.
Afhayeenka Ciidanka Badda ee dalkaasi Liibya Ayuub Qaasimi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inay shalay soo badbaadiyeen 158 Muhaajiriin ah.
Dadkaan ayaa doonidii ay la socdeen ku cilladowday meel 26 mayl ka baxsan Xeebta magaalladda Al-khonis oo 120-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Ayuub Qaasimi waxa uu tilmamaay in Muhaajiriinta la soo badbaadiyey kala ahaayeen 115 rag, 34 haween iyo 9 carruur ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalal Afrikaana iyo kuwo Carbeed.
Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Liibya waxay sheegeen inay maydadka 8 Tahriibayaala oo ku cabudhmay gaadhi xamuul laga helay magaalladda Zuwaara ee Galbeedka dalkaasi.