Dhagayso: Dilalka Loo Gaysto Somalida ku Nool Dalka Sweden oo sii Kordhaysa
STOCKHOLM —(OWN) Waxaa sii kordhaya dilalka dhallinyarada Soomaalida ku nool dalka Sweden, taasi oo walaac geliyey waalidiinta iyo bulshada Soomaalida ee dalkaas.
Sweden ayaa waxaa ka jira koox budhcad ah oo dhallinyarada Soomaalida ay qeyb ka yihiin, kuwaasi oo dilalka gaysta ama ayaga loo gaysto.
Kooxahan ayaa ah kuwa ku lug leh ka ganacsiga daroogada, taasi oo horseedda inay isku dhacaan ayaga oo ku dagaalamaya daroogada, kadibna hogaamisa dilalka.
Waxaa sidoo kale jirta dhallinyaro Soomaali ah oo aan kooxahan qeyb ka ahayn balse mararka qaar la kulma dilal, ayada oo dhowaan la dilay wiil Soomaali ah.
Dilalka dhalinyarada Soomaalida kuma koobna kaliya Sweden, balse waa mid ku baahsan waddamo badan oo ay Soomaalidu degtey, kuwaas oo ku kala yaalla Yurub iyo Waqooyiga America.
Haddaba maxaa keena in dhallin badani ay ku biiraan kooxaha dhalinyarada ee dilalka iyo daroogada ku lugta leh, sideese wax looga qaban karaa?
HALKAN Hoose ka Dhagayso Warbixinta oo.Dhamaystiran.