Boqortooyada Ingiriiska Oo Soo Saartay Warfarxad U Leh Dadka Magangelyo Doonka Ah

Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan galo qorshaha Brexit ee Ingiriiska ugu baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah.

Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah aysan soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaarayo, iyo inta ilaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan ugu baxday midowga Yurub.

Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada ineysan heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee.

Arrinta kale ee magangelyo doonka horay isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaarayo.

Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in aysan ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan.

UK ayaa horay u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan aysan weli si rasmi ah u dhaqan gelin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker