Xukuumadda Soomaaliya Oo Yaab Ku Tilmaamtay Warbixin ay soo saareen Guddigii IGAD
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddigii xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray arrimaha khilaafka Soomaaliya & Kenya iyo xaaladaha kajira xaduudka labada dal ay ka been sheegeen halka uu salka ku haayo khilaafka soomaaliya & Kenya.
Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood oo isugu jira Hal xubin oo ka socota Urur Goboleedka IGAD & lix Xubnood oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa IGAD waxaa ay u xilsaartay in lagu ogaado xaaladaha kajira xaduudka Soomaaliya & Kenya ee dhinaca gobolka Gedo ee sababay khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya & Kenya.
https://www.youtube.com/watch?v=roORhzLOhgU