Dowladda Somaaliya Oo ka hortegtay hub iyo rasaas lasoo gelinayey dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortegtay hub iyo rasaas sharci darro ah oo la doonayay in lasoo geliyo gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii dowladda heshay xogo muhiim ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan dalka, iyadoo DFS aan ogolaasho laga heysan.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.
Sidoo kale dowladda ayaa tilmaamtay in qorshaha lagu doonayay in hubka lagu soo geliyo dalka uu ahaa mid lagu khalkhal gelinayo nabadda iyo xasiloonida Dalka, isla markaana tallaabadaas ay u aragto duulaan lagu soo qaaday dalka.

“Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa” ayaa lasii raacsiiyay Qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladdda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker