Boqorka Imaaraatka oo booqday askar lagu dhaawacay weerarkii Muqdisho

Boqorka Imaaraatka Sheekh Maxamed oo sidoo kale madaxweynaha ayaa booqday sarkaal ka tirsan ciidamada Imaaraatka oo kusoo dhaawacmay weerarkii xerada Janaraal Gordon ee Muqdisho.

Kabtan Maxamed Al Nuceym oo hadda lagu daweynayo isbitaalka ciidanka ee Zayed ayaa ka mid ah saraakiishii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ee lagu qaaday xerada Imaaraatku ku tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Afar sarkaal oo kale ayaa lagu dilay weerarkaas, oo sidoo kale uu ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Baxreyn islamarkaas na la shaqeynayay imaaraatka.

Sheekh Maxamed ayaa u rajeeyay kabtanka in uu deg deg ku bogsado isaga oo ammaanay niyada iyo dhiiranaanta ciidamada Imaaraatka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker