Madaxweyne Biden Muxuu Ka Yidhi Heshiskii Ay Wada Galeen Trump iyo Ururka Taliban

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameyn doono  heshiiskii madaxweynihii hore Donald Trump uu la galay ururka Taliban.

Mareykanka wuxuu doonayaa in maleeshiyaadkan ka dagallama Afghanistan inay dhaqangeliyaan heshiiska oo ay kamid yihiin in meesha laga saaro colaadda iyo in xidhiidhka ay u jaraan kooxaha argagixisada, sida laga soo xigtay afahayeen u hadashay dowladda.

Jake Sullivan oo ah la taliyaha arrimaha amniga ee Biden ayaa la hadlay saraakiil reer Afghanistan ah si uu ugu xaqiijiyo arrinta ku saabsan in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Taliban iyo Mareykanka ee maamulkii Trump.

Bilihii lasoo dhaafay, Afghanistan waxaa ka dhacay weeraro dhowr ah.

Source: https://www.bbc.com/news/world-asia-55775522

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker