Xafiiska Imtixaanadka Somaliland oo Sheegay Nin Lagu qabtay Isagoo Samaysanaya Shaambada Imtaxaanadka

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland   Daa’uud Axmed Faarax oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay nin ay dhowaan ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen isaga oo ku hawlan samaysashada shaambada xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in ninkan oo in muddo ah uu kiiskiisu socday ay maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3 Milyan oo Shilling-ka Somaliland ah.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md Daa’uud Axmed Faarax uga digay bulshadda in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah,waxaanu tilmaamay in aan loo naxariisan doonin qofkii falalka noocaas ah lagu qabto.

Waxa uu tilmaamay Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax in ay xoogga saareen in qofka shahaadada lagu siiyo in la qoro waxa uu keensaday, taas oo sumcad weyn usoo hoysay Somaliland, isla markaana ay si weyn ugu kalsoonaadeen jaamacaddo badan oo caalami ahi.

Waxa uu ka codsaday bulshadda reer Somaliland in ay ka caawiyaan, isla markaana marka la soo helona ku gacan siiyaan dadka falalka noocaas ah ee lagu koobiyeynaayo, laguna dilaayo, hoosna loogu dhigaayo tayada ardayda reer Somaliland iyo tayada shahaadada Somalilandba hoos u dhigaaya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker