Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujiyey Xadgudub Ka Dhacay Dagaalka Gobolka Tigray
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay warbixinno โwalaac lehโ oo ku saabsan xadgudubyo dhinaca galmada ah ama kufsi oo ka dhacay gobolka ay colaadda ka taagan tahay ee Tigrayga Itoobiya.
Pramila Patten, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xadgudubka galmada ee dagaalada, ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay eedeymaha culus ee uga imanaya gobolka waqooyiga, oo ay kujirto โtiro badan oo kufsi la sheegayโ oo ka dhacay caasimada Tigrayan, Mekelle. โWaxaa sidoo kale jira warbixino qasan oo ku saabsan shaqsiyaadka la sheegay in lagu qasbay inay kufsadaan xubno ka tirsan qoyskooda, iyadoo lagu hanjabayo rabshado soo fool leh,โ ayuu Patten ku tidhi hadal uu soo saaray khamiistii.
โHaweenka qaarkood ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in cunsurro ay ku qasbeen inay galmo sameeyaan iyagoo badeecooyin u baahan.โ Patten waxay ugu baaqday dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalada inay ku kacaan siyaasad dulqaad laโaan ah dambiyada rabshadaha galmada. Rayisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019, ayaa ku dhawaaqay hawlgallada militari ee ka socda Tigreega horraantii November, isaga oo sheegay in ay ku yimaadeen jawaab u ah weeraradii xisbiga maamulka gobolka uu ku qaaday xeryaha ciidamada federaalka.
Abiy ayaa ku dhawaaqay guusha kadib markii ciidamada federaalku galeen xarunta gobolka dabayaaqadii bishii Nofeembar, in kasta oo hoggaamiyeyaasha ururka (TPLF) ay wali ku sii dhuumaaleysanayaan isla markaana ay ballan qaadeen in ay sii dagaallami doonaan.
Source: https://www.gna.org.gh/1.19676861