Maareeyaha Haayada Duulista Oo Lacagtii Mushaharka Ka Hakiyey Dhamaan Shaqaalihii Labadii Shirkadood Ee Madaxweynuhu Dhawaan Lala Wareegay

==Maareeyaha Haayada Duulista Oo Lacagtii Mushaharka Ka Hakiyey  Dhamaan Shaqaalihii Labadii Shirkadood Ee Madaxweynuhu Dhawaan La  Wareegay Ee ( SRM & Epass )==

Bishii Hore Waxaa Shaqaaha Mushaharka U Soo Direy Labadii Shirkadood Ee Hore ..

Bishan Oo Aheyd In Ay Haayada Duulistu Siiso Ayaa uu Hor Istaagey Talaabadasi Maareyaha Duulista,Ilo Ku Dhow Dhow Haayadasi Ayaa Sheegaya In Account Shirkadahasi Ay Lacag La Ciir Ciirayaan

Saacad Kasta oo loo baahdana La Siin Karo,Maadama shirkadahina adeega ay qabtaan yahey Service Kale Ah security iyo Epass.

Lacagtooduna Tahey Mid La socota Ticket Diyaarada iyo Ta Kale Oo ah Lacagta Dheeligaa Ee Laga Qaado Baabuurta Galeysa Madaarka.

Hadaba Ujeedada uu ka leeyahey Iyo Ku  Takri Falka Awooda Maamula Ee Haayadasi ayaa Ah Mid Kaligii Kooto Ugu Xidhan Oo aaney Jirin Cid ka hadli Karta Ama Kale Talin Karta …

Madama Oo Aanu Jirin Masuul Kale Oo ku magacaban Digreeto Madaxweyne Oo Ka qabta Khaladka  Iyo Dulmiga Uu Ka Wado Haayadasi Oo Madaxweynuhu Kaligii U Soo Magacabey Taas Oo keentay Arimaha Noocana

Wasiirkii Uu Lineministerka U Ahaana Uu Albaabka Ka Celiyey Shaqaalaha Ayaa Uu ka Soo Baxayaa Guux Baden Oo Sababi Kara Iney Sameeyaan Shaqo Joojin Taas Oo Qaranka Iyo Samcada Madaarkaba Ku Ah Dhiig Bax Shaqaalahan Ayaa dadka Qaar Leeyihiin Waxay U baden Yihiin Shaqaalihii maxamuud Xaashi Keenay…

Marka Laga imaado Musharka Waxaa Shaqaalahasi U dheer  Af xumo Iyo Cago Jugleyn Joogta Oo Uu maareeyuhu Ku Hayo Shaqaalaha Mid Hoose Iyo mid Sareba

Taas Oo Meesha Ka Saartey kalsoonidii Shaqaaluhu Ku Qabeen Maamul Cadaalada Oo Ay Ula Tagaan Cabashadooda

ARINKAN Cida Kaliya Ee wax ka Qaban Kartaana Tahey Madaxweynaha Oo Ay Isku Reer Yihiin Ninkan Ayaan La Garaneyn Waxa Uu Bulshada Kaga Eegayo Iyada oo marar Baden La Gaadhsiiyey Cabashadiisa….

ILAHEY XAQA HAYNA GARANSIIYO         DHAMAANTEEN………..

 

 

 

Maxamed Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker