Dowladda Soomaaliya Oo war ka soo Saartay Dilal Ka Dhacday Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdooyin maanta dad gaaraya lix qof ay ugu geeriyoodeen gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ee maamulka Koonfur galbeed .

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu sheegay in aanan marnaba la aqbali karin sii socoshada dagaal beeleedyada khatarta ku ah xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa looga tacsiyadeeyey maamulka Koofur Galbeed dhibaatadii ay ku dhinteen dad gaadhaya 6 qof, kuwaas oo dhamaantood loo dilay aar goosi qabiil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker