Itoobiya Oo Ka Hadashay In Askar Soomaali Ah Ku Dhimatay Dagaalka Tigrayga

Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay wararka isa soo taraya ee ku aaddan in dhallinyaro Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Itoobiya ku le’deen dagaalka Gobolka Tigrayga iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr Dina Mufti ayaa shir jaraa’id ku sheegay in aanay waxba ka jirin in ciidamada Ereteriya iyo Askar Soomaali ahi ka qayb galeen dagaalka dawladda Federaalku kula jirto TPLF. Waxa uu si xooggan u beeniyay in Ciidamada Ereteriya ka qayb galeen dagaalka.

“Waxa aanu sida oo kale arkayna warar la mid ah kuwaas (Ciidamada Ereteriya) oo sheegaya in ciidamo Soomaali ahi dagaalka ka qayb galeen, labadaa sheegasho ba waa been aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka u hadlay Itoobiya waxa uu ku dooday in ay arrintaas faafinayaan dad doonaya in ay hawlgalka ka dhigaan mid khuseeyo gobolka oo dhan. waxa uu intaasi raaciyay in aanay ciidamada Itoobiya u baahnayn gacan dalal kale.

Source: Reports On Involvement Of Eritrean, Somalian Solders In Law Enforcement Operation Are False, Unfounded: MoFA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker