Masuul Ka Tirsan Puntland Oo $500,000 Duldhigay Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay inuu abaal-marin lacageed uu sii doono cidii soo disha Afhayeenka dagaalamayaasha Al-shabaab Sheekh Cali Dheere.

Guddoomiye Cabdiladiif oo khudbad ka jeedinayay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in cidii soo disha Cali Dheere uu siin doono abaal marin lacageed oo dhan Shan boqol oo kun Dollar, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.

Waxaa uu tilmaamay Cabdiladiif Sanyare in hadalkaan uu uga jawaabayo hadalkii dhawaan kasoo yeeray Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ee ku baaqayey in la dilo Guddoomiye Cabdiladiif.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in hadal uu dhawaan jeediyay ay fasiraad xun ka bixiyeen rag kamid ah Culimada Soomaaliyeed, kadibna uu ku raacay Afhayeen Cali Dheere.

Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay waxaa lagu qabtay Munaasabad loogu baroor diiqayay Saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka iyo dad shacab ah oo lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaaladaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker