Dil iyo dhaawac Loo Gaystay Soomaali ku dhaqan dalka Canada

Toronto (OWN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil iyo dhaawac magaalada Toronto ee dalka Canada Loogu gaystay dhalinyaro Somali ah

Weerarkan ayaa sababay geerida AUN Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa iyo dhaawaca laba gabdhood oo la socday, sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee Toronto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markii hore saddex-dooduba uu dhaawac soo gaadhay, balse marka la geeyey isbitaalka uu geeriyooday Sahal.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen xilli ay marayeen wadada, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaadhi cad oo meesha kasii dhaqaaqaya.

Ma cadda sababta loo beegsaday dhalinyaradan Soomaaliyeed, balse saraakiisha ammaanka ee Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad oo ku aadan dhacdada.

Dhankiisa Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn illaa iyo hadda sababta loo dilay wiilkiisa, wuxuuna tilmaamay in lagu Aasay qabuuro ku yaal magaalada Toronto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker