Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Oo ku Eedeeyay Puntland iyo Jubbaland Inaanay Rabin Doorasho

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Abdirisaaq Abuukar ayaa ku eedeeyay mucaaradka iyo dowlad gobolleedyada Punltand iyo Jubbaland inaanay  rabin doorasho ka dhacda dalka.

Waxaa uu sheegay in horey dhinacyadan oo dhan si wadajir ah doorashada ugu heshiiyeen, walina dowladdu ku taagan tahay heshiiskaas, isagoo meesha ka saaray in dowladdu qorsheyneyso inay qabato doorasho hal dhinac ah

”Waad ogtihiin 17kii bishii September, ayaa lagu heshiiyay doorashada in wadajir loo galo, dowlad gobolleedyada qaarkood iyo mucaaradku ma rabaan inay doorasho dhacdo, sidee marka loo leeyahay doorasho hal dhinac ay ayeey dowladdu qabaneysaa, waa arrin aan waxba ka jirin” ayuu yidhi Maxamed Abdirisaaq Abuubakar.

Wasiirka oo la hadlayey VOA-da ayaa sheegay in doorashada ay raali ka yihiin ilaa shan qeybood oo xubno ka ahaa heshiiska kuwaasoo uu ku sheegay, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Somaliland iyo Gobolka Banaadir oo dhamaantood diyaar u ah ayuu yiri in doorashada la galo, isaga xusay in Puntland iyo Jubbaland oo kaliya ka soo horjeedaan.

“Su’aashaa waxaa ay ku wanaagsanaan laheyn in aad weydiiso Wasaarradda Maaliyada, laakiin inta aan ogahay qeyb ka mid ah dhaqaalahaasi waa la hayaa, inta dhimanna waxaa la rajeynayaa in la helo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka oo ka jawaabayey su’aal aheyd inay hayaan dhaqaalihii doorashada lagu qaban lahaa.

Muran iyo ismari waa ayaa ka taagan qabashada doorashada Somalia, kaasoo u dhexeeya DF, mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaarkood, waxaana arrimaha la isku hayo ka mid ah arrinta gobolka Gedo iyo Guddiyada doorasho ee ay magacowday DF.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker