Masjid ku Yaala Dalka Swden Oo Hanjabaad Loo Soo Diray
Todobaadkii hore ayaa masjid magaalada Trollhรคttan oo dhacda galbeedka Dalka Sweden, loo diray hanjabaad.
Halka dhanka kale daaqad laga burburiyey masaajidka, hase yeeshee ilaa hadda aanu boolisku weli xaqiijin cidda ka dambeeysa falkan.
Mahdi Jama ayaa ku nool magaalada Trollhรคttan. Masjid halkaas ku yaal ayaa todobaadkii hore hanjabad loo soo diray. Warqada hanjabaada ayey sida telefishinka SVT ugu bandhigtay boggeeda ku qoran tahay โCaruurtiina waa in ay dhintaanโ iyo โWaddanka ka baxaโ. Mahdi Jama oo booqday masjidka ayaa sheegay mar uu wareysi siiyay laanta afka soomaaliga inuu jiro welwel laga qabo arrinkaa.
” Haddi masjidka loo soo hanjabo welina aan la garaneeyn cid ka dambeeysay, khasab baqdini wey jirtaa. In kastoo uu qofka islamka ah jecelyahay in uu guriga ilaahay ku dhinto.” ayuu yidhi Mahdi Jama
Hore ayaa masjidkanย loogu soo hanjabay. Iyadoona ay Mahdi Jamaย la tahay in hanjabaadani xidhiidh la yeelan karto rabshado xaafada Kronogรฅrden ka dhacay dhowr todobaad ka hor, halkaasina oo uu buuq ka abuurmay booqasho uu weriyaha madaxa banaan ee Joakim Lamotte uu goobtaa ku tagay.
Mahdi ayaa sheegay in uu maanta kaga qayb galayย ย salaada Jimceย masjidka magaalada Trollhรคttan.