Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Baladweyne iyo Boosaaso Wararka Kasoo Kordhey.

Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee 13 qof ayaa ku dhintey, halka 30 kalena ku Dhaawacmeen Qaraxii, Ka dhacay Magaalada Baladweyne qaraxaas, oo ay ku dhinteen Masuuliyiin, Murashaxiin , Madaxda Dhaqanka, iyo Shacabka Magaalada Baladweyne, Waxaana Dadkii Ku Dhintey Qaraxa u Tacsiyeeyay, Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe, isagoo Dadka Dhaawaca ahna Eebe uga baryey, inuu Sikhiro Dhaawacyada Masiibada Kasoo Gaadhay.
Sidoo Kale Magaalada Boosaaso Qaraxa ka dhacay, ayaa ilaa iyo hada Waxa ku Geeriyooday, Laba Oday oo Muqdar ah Marxuum Gudoomiye Cabdi Ciise Maxamed(Cabdi Seed), iyo Marxuumka kale oo u Geeriyooday Dhaawacii Marxuum Caaqil Yaasiin Cali Dhahar, Waxaana Ku Dhaawacmey Toban qof, oo Qaarkood Xaaladoodu aad u Liidato, Waxaana lagu Daaweynayaa Cusbitaalka Boosaaso.
Dadka ku Dhaawacmey Qaraxa lala beegsadey Boosaaso, ayaa Qaarkood Xaaladoodu aad u Liidataa, Haseyeeshee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni, iyo Dawladiisu Ma Tacsiyayn Dadkaasi Ku Dhintey Qaraxa lala Beegsadey, sida Madaxweynaha hir shabeele u Tacsiyeeyay, Dadkii ku dhintay Magaalada Baladweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker