DP World oo Bilaabaysa Casriyeynta Dekedda Berbera iyo Jidkii Wajaale

Xukumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in Shirkadda DP World ay bilaabayso bisha January sannadka 2019ka ballaadhinta iyo casriyeynta marsadda Berbera iyo dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo magaalada xuduuda ku taalla ee Wajaale.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyey in si rasmi ah uu u bilaabmi doonaan dhammaanba qodobbadii muhiimka ahaa ee ku jirey heshiiska ay xukuumadda Jamhuuriyaddu la gashay shirkada DP World oo ay kamid yihiin ballaadhinta dekedda Berbera, hirgelinta suuqa xorta ah ee Berbera (Free Zone) iyo bilowga waddada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor, waxaana uu bulshada ku war geliyey inay tallaabooyinkaas horumarka leh ku bushaaraystaan.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasibadii loogu dabaal-degayey 58 guurada ka soo wareegtay xilligii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, 26kii June 1960kii.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in daraasadii lagu ballaadhin lahaa dekedda Berbera dhammaatay oo lagu jiro tartankii lagu bixin lahaa shirkadii dhisi fulin lahayd casriyeynta dekedda Berbera.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu intaas ku daray in sidoo kale la hirgelin doono aagga suuqa xorta ah (Free Zone) oo laga furayo magaalada Berbera, waxaanu xusay in suuqaasi uu Somaliland u soo jiidi doono ganacsato badan.

Md. Muuse Biixi waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyey inay soo dhaweeyaan ganacstada iyo shirkadaha Somaliland u imanaya maalgashiga.

Geesta kalena madaxweynuhu waxa uu hambalyeeyey dawladda iyo shacabka Jabuuti oo 27ka June ay ku beegan tahay xiligii ay xornimadooda ka qaateen dalka Faransiiska oo xukumi jiray.

Madaxweyne Biixi wuxuu soo dhaweeyey isbeddelka uu sameeyey Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaanu tilmaamay inuu heshiisyo ganacsi la galay dalalka geeska Afrika oo dhan.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu mar kale cambaareeyey bam gacmeedkii lagu weeraray isu soo bixii lagu taageerayey Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxaanu ku sifeeyey weerar argagixiso.

 

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker