Mahdi Guuleed oo Garoowe Kula kulmay Xasan Cali Khayre
Garoowe (OWN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre.
Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa yimi kadib markii uu Mahdi Guuleed booqasho ku tegay hoyga uu Khayre ka Degan yahan gudaha magaaladaasi.
Labada mas’uul oo muddo soo wada-shaqeeyey, islamarkaana ahaa saaxibo ayaa ka wada-hadlay arrimaha dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.
Sidoo kale Mahdi Guuleed iyo Khayre ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay ku soo qaaday arrimaha Doorashooyinka dalka iyo sidii looga gudbi karo caqabadaha hortaagan.
Waa kulankii ugu horreeyey ee dhex-mara ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Musharrax Xasan Cali Khayre, tan iyo markii la riday ra’iisul wasaare Khayre.
Si kastaba labadaan mas’uul ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirka sanadlaha ah ee madasha aragti wadaaga ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Heritage.