Guushii Kooxda Arsenal ka Gaadhay Chelsea
Arsenal oo Guul muhiim ahayd ka gaadhay Chelsea horraantii Usbuucan ayaa Caawa Safar ugu tegaysaa kooxda ka dhisan gobolka South Coast ee Brighton ..
Oo ay dhibco ahaan isku xigaan, taas oo ay u baahan tahay inay ka keento guul si ay sare ugu soo kacaan.
Brighton ayaa iyaduna ciyaarteedii ugu dambaysay waxay barbarro 2-2 ah lasoo gashay West Ham, iyadoo waliba waqti dambe laga boobay dhibicda barbarraha.
Safarkii Brighton ay ugu tagtay West Ham, waxay rajaynaysay inay soo afjarto shan ciyaarood oo guulo la’aan ah oo horyaalka Premier League ah,
Laakiin kooxda tababare Graham Potter waxa u suurtogeli weyday filashadaas Axaddii iyadoo laba gool oo ay u dhaliyeen Neal Maupay iyo Lewis Dunk ay kansaleen Ben Johnson iyo Tomas Soucek.
Dhibicdaasi waxay uga dhignayd Brighton inay wali ka baxsan tahay khadka cas, balse ay haddana dareemayso kulaylkeeda maadaama Leeds United ay ku istaagtay Burnley oo ay kusii haysay kaalinta 17aad.
Si kastaba, Burnley waxa u hadhsan hal ciyaar oo haddii ay badiso ay kaga sare mari doonto Brighton, taas oo iyaduna sagxadda hoose kula biiri doonta Fulham iyo Sheffield United, laakiin si ay taas uga badbaadaan, waxay u baahan yihiin inay Arsenal saddexda dhibcood ka qaataan si ay hal dhibic kaliya ugu soo jirsadaan.
Dhinaca kale, Arsenal oo toddoba ciyaarood oo horyaalka Premier League ah aan wax guul ah arag ayaa maalintii Boxig Day, waxay cuntay Chelsea oo ay ku karbaashtay 3-1, iyadoo ay goolashana u dhaliyeen Lacazette, Granit Xhaka iyo Bukayo Saka, halka goolka aan waxba tarina uu ka dhaliyey Tammy Abraham.
Kaddib derbiga kaga xeernaa goolasha ee ay jabiyeen Sabtidii, Gunners waxa laga sugayaa inay sii wadaan dibu-soo noolaansho dhinaca dhibcaha ah, si ay sare ugu soo kacaan.
Laakiin Arsenal waxay sii ogtahay in garoonka Amex Stadium lagu soo garaacay labadii jeer ee ugu dambeeyey oo ay Brighton dhibcaha kaga qaadatay, taas oo ay tahay inay caawa iska reebaan.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Brighton vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Waqtiga: 9pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Amex Stadium
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Difaaca midig ee Brighton ee Tariq Lamptey ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay ciyaartii West Ham, laakiin Potter ayaa u xaqiijiiyey taageereyaasha in da’yarkan aadka loo qiimeeyo aanu dhaawaciisu halis ahayn oo uu soo laaban doono.
Mikel Arteta ayaa isaguna aan haysanin difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo uu ku dhacay fayraska Korona, waxa kale oo xanuunsanaya David Luiz iyo Willian laakiin xanuunkoodu maaha Korona, halka Thomas Partey oo dhaawac uu kasoo kacay dib ugu laabtay aanu ciyaartan dheeli doonin.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kasoo muuqday kaydka ciyaartii Chelsea maadaama uu dhaawac qabay, waxaase la filayaa inay caawa kusoo wada bilowdaan Nicolas Pepe.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood
Brighton & Hove Albion: Sanchez; Webster, Dunk, Burn; Veltman, Bissouma, Propper, March; Maupay, Trossard; Welbeck
Arsenal: Leno; Bellerin, Holding, Mari, Tierney; Xhaka, Ceballos; Pepe, Smith Rowe, Aubameyang; Lacazette