Denbi Maaha In Wixii Horumar ah Lagaga Deydo Maca Cidda aad Iska Soo Horjeedaan.

Dawladii tawraddu waxay dalka inqilaabtay xili la mid ah xiligan uu maanta dalka qabsaday Madaxweyne MBC. Waxaanay labada xili iska shabahayeen arimo badan sida:

  1. Sixir bararka

  2. Qaaliyawga maciishadda

  3. Tiro yar oo ku dul nool bulshada inteeda kale oo gafane noqday &

  4. Ganacsatada oo qawlaysato noqotay.


Markii xaalku halkaa marayay ganacsatadiina waano lagala quustay ayay dawladdii tawraddu la wareegtay dhamaan adeegayadii & kaabayaashii bulshada iyadoo xoog ku maamushay ula jeedkeeduna ahaa u danaynta shacabka danyarta ah. Taas oo keentay in dawladdu badi la wareegtay;

¤. Soo dejinta maciishadda &

¤. Quutal daruuriga.

Iyadoo xiligaa la sameeyay stores-ka waaweyn ee INNJI kuwaas oo dawladdu soo dhigtay raashin jaban oo qof waliba ibsan karo, waxaana meesha ka baxay shakhsiyaadkii ku dul noolaa bulshada inteeda kale oo ay u horeeyeen nimanka ganacsatadu.

 

Badhasaabkii xiligaa oo ahaa Bile rafle ayaa u magacaabay
Korneyl Cumar Maxamed Guuleed inuu noqdo madaxa barnaamujka iskaa wax u qabso.

Iyadoo udub dhexaadka bernaamujka iskaa wax u qabsana uu ahaa

Shaqaalaha dawladda & ka faa’iidaysiga xoogga maxaabiista xidhan.


Waxa kale oo xiligaa la sameeyay seerayaasha xoolaha nool lagu naaxiyo oo marka denbena halkaa laga dhoofin jirey. Isagoo qiimaha neefka xooluhu kor u kacay. Markii denbena waxay hirgalisay dawladdii tawraddu kala xadeynta ganacsiga, iyadoo ay macruuf noqotay oo La wada yaqaanay cidda ku suntan wax soo dejinta & tafaatiiq-layaasha hoose ee bulshada wax ka sii iibiya.


Sidaa darteed waxaanu madaxweynaha qaranka u Soo jeedinaynaa samaynta saddex qodob:
1. In xukuumaddu soo dejiso raashinka & daawooyinka ay bulshada kaga iibiso qiimo jaban.
2. Seerayaashii dawladda ee xoolaha dawladda lagu naaxin jirey &

3. In La sameeyo lana hirgaliyo bernaamujka Iskaa Wax u Qabso.
Runtii saddexdaa qodob waxay ahaayeen qodobadii suuragaliyay  guulihii dawladdii tawraddu samaysay.

 

 

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii; Gar. Keyse Koosaar Cilmi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker