Dawladda Maraykanka oo Heshay Qofkii Qarxiyay Magaalada Nashville

Booliska dalka Maraykanka  oo Baadhaya gaadhigii Xamuul ka ahaa ee saddexda qof ku dhaawacmeen ee magaalada Nashville

 

Qaraxan oo dhacay Maalintii ciidda Masiixiga ayaa  Qof laga qof shakisan yahay  oo Magiciisa la yidhaahdo Anthony Quinn ay is Yeesheen DNA lagu soo ururiyay goobta.

 

Saraakiisha Gobolka Tennessee ee Mareykanka ayaa sheegay in DNA-da ay is yeesheen Anthony Quinn Warner oo 63 jir ah.

 

FBI-da ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam ah oo ku saabsan tuhmanayaal dheeraad ah inkastoo ay tahay xilli hore in a ogaado haybta dambiileyaasha.

 

Qaraxa ka dhacay banaanka xafiiska isgaadhsiinta ayaa carqaladeeyay nidaamyadii isgaadhsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale.

Qaraxa ayaa dhaawacay seddex qof isla markaana carqaladeeyay nidaamyadii isgaadhsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale.

 

Intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee Axadii, baarayaasha federaalka waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Warner, oo ka shaqeynayay Technologiyadda, khibrad dheerna u lahaa qalabka elektarooniga, inuu ahaa shaqsiga kaliya ee mas’uulka ka ahaa qaraxa kaasi oo ku dhintay goobta.

 

Waxay sheegeen in qaraxa loo malaynayo inuu ahaa mid ula kac ah, hadhaaga goobta laga helayna uu Warner.

 

Sida laga soo xigtay diiwaanka dadweynaha, Warner ayaa ilaa goordhow deganaa Antioch, oo ah xaafad ka tirsan Nashville, halkaas oo ay booliisku Sabtidii baaritaan ku sameeyeen.

 

Deriska ayaa sidoo kale soo sheegay inay arkeen gaadhi xamuul ah oo goobta yaal, warbixinta maxaliga ah.

 

Mar sii horeysay, CBS News ayaa soo warisay in dheecaanka DNA laga qaaday Warner hooyadiis.
Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee dacwadas Douglas Korneski ayaa goor sii horeysay sheegay in saraakiisha ay heleen ilaa 500 oo talooyin oo laga yaabo inay la xidhiidhaan qaraxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker