Trump oo Ciidamada badda Dalkiisa siiyey Amar Xasaasi ah oo ka dhan ah Iiraan

– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii tweet gareeyey inuu amray ciidamada badda Mareykanka “inay toogtaan oo ay burburiyaan” doomaha huebysan ee Iran ee “arbushaaya” maraakiibta Mareykanka.

“Waxaan ku amray Ciidamada Badda Mareykanka inay toogtaan oo ay burburiyaan dhammaan doomaha hubeysan ee iran, haddii ay arbushaan maraakiibteena ku sugan badda,” ayuu yiri Trump

.

Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in hadallada Trump looga jeedo diginin loo dirayo Tehran, hase yeeshee ay militariga Mareykanka sii wadi doonaan inay u hoggaansamaan xuquuqdooda is-difaaca ee hadda jirta, intii ay ka beddeli lahaayeen xeerarka.

“Madaxweynaha wuxuu diginin muhiim ah u jeediyey Iiraaniyiinta, waxa uu adkeynayey ayaa ah in maraakiibteena ay ilaaliyaan xuquuqdooda is-difaaca,” waxaa sidaas yiri ku-xigeenka xogyahaha gaashaandhigga Mareykanka David Norquist oo weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

Kadib tweet-kii Trump, afhayeen u hadlay ciidamada Iran ayaa sheegay in Mareykanka ay diiradda saaraan sidii ay militarigooda uga bad-baadin lahaayeen cudurka Coronavirus.

“Maanta, intii dadka kale la daan-daansan lahaa, Mareykanka waa inay dadaalkooda oo dhan isugu geeyaan bad-baadinta kuwa ka midka ah ciidankooda ee uu ku dhacay Coronavirus,” ayuu yiri Abolfazl Shekarchi oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ISNA.

Hadallada Trump ee Arbacadii ayaa yimid toddobaad kadib markii 11 ka mid ah doomaha ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ay kusoo dhowaadeen maraakiibta Mareykanka.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa xaqiijiyey Axaddii in toddobaadkii tegay ay iska hor-imaad xasaasi ah badda khaliijka kula yeesheen maraakiibka Mareykanka, waxaana ayaga oo aan caddeymo soo bandhigin ay sheegeen in Mareykanka ay billaabeen dhacdada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker