Safaaradda Somalia ee Magaalada Nayroobi oo Joojisay Dhamaan Hawlaheedii

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya In Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalkaasi ay joojisay dhamaan Shaqooyinkii ay qaban jirtay.

 

Tallaabadan ayaa  lagu sheegay inay tahay mid ay isu diyaarineyso in Albaabada loo laabo maadaama Dowladda Soomaalia ay xidhiidhkii u jartay Kenya, isla markaana uu xoogeystay khilafka u dhaxeeya labada dowladood.

 

Qoraal Ogeeysiis ah oo Maanta kasoo baxay Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in iyada oo la fulinayo go’aanka dowladda la hakiyay dhammaan adeegyadii Safaaraddu bixinaysay.

 

“ Qof kasta oo Baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah,

 

Howlaha safaaradda & adeegyadii ay qaban jirtay waa la hakiyay ayaa lagu yidhi” Qoraalka Safaaradda.

 

Dalka Kenya waxaa ku nool Soomaali fara badan oo ku xidhnaa adeegga ay bixiso safaaraddu.

Sida Baasaboorka iyo dokumentiga dal ku noqoshada waxayna arrintan saameyn ku yeelan doontaa isu socodka dadka Soomaalida ee Nairobi.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeedhay safiirkii ka joogay Kenya sidoo kale dalka ka saartay Safiirkii Kenya, waxaana habeen ka hor sidoo kale ay dowladda Soomaaliya ay xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay dowladda Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker