Higaamiyaha Aqalka Sannetka Maraykanka oo Aqbalay Guusha Joe Bidden
Khudbad uu ka jeediyay Xarunta senate-ka ayuu Hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ku soo gaba gabeeyay aamusnaantiisii muddada halka bil uu ka caga-jiidayay qirista Guusha madaxweynaha la doortay ee ka socda xisbiga dimoqraadiga.
Arrintani ayaa timi, hal maalin kaddib markii ay Ergada leh codka ugu danbeeya ee doorashada madaxweynaha ee loo yaqaanno Electoral Collage ay ansixiyeen guusha doorashada ay shacabka Mareykanka doorteen Joe Biden.
Wuxuu kaloo u hambalyeeyay Madaxweyne ku-Xigeenka la doortay Kamala Harris, oo uu ku sheegay in doorashadeeda ay hadda ku faani karaan dhammaan shacabka Mareykanka, maadaama ay noqotay, buu yiri, haweeneydi ugu horreysay oo madaxweyne ku-xigeen ka noqoto dalakani.
Si kastaba, Madaxweyne Trump ayaan wali Aqbalin Guuldarrada Doorashadii madaxtinimada ee Mareyanka .
Ee ka dhacday saddexdii bishii November ee sannadkaan. Waxaa lagu wadaa inuu xilka wareejiyo 20-ka bisha soo socota ee Jannuary.