Madaxweyne Muuse Biixi oo wareegto madaxweyne ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Dersay:             Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;                      

 

Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker