Raiisul wasaare Abiy Ahmed Oo Booqasho Kadis ah ku Tegaya Kenya

Ra’iisal Wasaaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in booqasho labo cisho oo ka bilaabeysa maalinta berri ah uu ku tago dalka Kenya.

 

Safarka Ra’iisal Wasaaraha ayaa Noqonaya kiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii ciidamada difaaca Qaranka kula jireen jabhada TPLF ee Gobolka Tigray-ga.

 

 

Abiy  Ahmed ayaa magaalada Mooyaale ee Gobolka Martisibet kula kulmi doona dhiggiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta oo ay wadajir xadhiga uga jiri doonaan barkoontarool ama boosteejo lagu fuddudeynayo isku socodka labada dal.

 

 

Kenya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xidhiidh Wanaagsan oo saaxiibtimo marar badanna hogaanka labada dal waxaa ay yeesheen kulamo iskaashi iyo waliba mid siyaasadeed.

 

Inta uu joogo Abiy dalka Kenya sidoo kale waxaa suurtagal ah in uu dhiggiisa Kenya kala hadlo xaalada Itoobiya iyo dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Tigrayga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker