Waa fal ugub ku ah Taariikhda Ummadda Soomaalida Xatooyada Caruurta

Waxaa la yiri “Wax la arag waxna noo laaban” oo loola jeedo wax aan hore loo arki jirin oo soo kordhay oo la yaab ku noqday dadka ..taas waxaan ula jeednaa falal aan hore loo aqoonin oo maanta Soomaaliya laga maqlo oo noqday kuwo dhegaha dadka ku soo noqnoqda .

Waxaa la maqlayaa kufsi ..iyo xatooyo caruur..iyadoo baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba si joogta ah ay uga soo muuqanayaan caruur la baafinayo oola la’ yahay halka meelaha qaar la soo tabinayo dad lagu qabanayo caruur ay xadayeen.

“Haddii la yaabo Yaasiinka” ..waxay u muuqataa in xasuustu soo xasuusaneyso oraahdii aheyd “Waa duni sirgaxan oo aakhiro samaan ehe Alloow na samabixi”.

Maxamed Axmed Cilmi oo ah oday ku nool magaalada Muqdisho ayaan wax ka weydiiyey sida uu u arko arrimahan ku cusub sooyaalka taariikhda Soomaaliya wuxuuna ii sheegay in yaraantiisii uu maqli jiray waxyaabo kale oo ay ku jiraan mala awaal caruurta lagu cabsiiyo oo loo sheego in haddii aaney edeb yeelan loo dhiibi doono dad qalato…ama kuwo loogu sheegi jiray juudaanley balse waxyaabahaasi ay inta badan iska ahaayeen waxyaabo lagu cabsi galiyo caruurta oo aan inta badan jirin.

“Ma qabin xilliigeenii waxyaabaha hadda la sheegsheegayo ,,arrimahana waa kuwo igu cusub oo aan I soo marin” ayuu yiri Maxamed Axmed oo waxyaabahan ah in caruurta la xadayo oo la iibsanayo jirkooda xubno ka tirsan ay tahay dhaqan xumo soo korortay.

Wey igu adkeyd in aan xaqiiqsado arrimaha oo sheeg-sheegistooda iyo hadal heyntooda ay ku soo kordheysay bulshada maalmahan ilaa aan maqlo in degmada Afgooye dad ku howlanaa arrintaa gacanta lagu soo dhigay oo haatan ay sugayaan in sharciga la mariyo.

Xaawo Maxamed Xuseen oo reer Muqdisho ah ahna hooyo carruur yar yar leh waxay sheegtay in muddooyinkan dambe arrintani tahay mid muuqaneysa oo ay iyada lafteeda shakiyo ka qaaday qaar ku meersanayey maalmo agagaarka gurigeeda caruurtana uu muujinaya soo jiidasho si ay u qabsadaan oo ula tagaan.

Waxay sheegtay in marar ay jireen canug ay dhashay albaabka hortiisa qof rag ah oo aaney iyadu aqoon uga gacan haadiyey si uu u sasabto oo ula tago balse ay ku qabatay ka dibna uu ninkaasi si degdeg ah goobta uga baxsaday.

“Hadda waxaan ku jiraa dhufeys ..ilamaheyga anigoon gacanta heyn dibedda uma soo baxaan waana ku baraarugsanahay kuwa caruurta xada dhagartooda” ayey tiri Xaawo.

Maxay yihiin sababaha soo kordhiyey howshan oo aan hore uga jirin Soomaaliya ayaan weydiiyey mid ka mid saraakiisha ammaanka oo ka gaabsaday magaciisa wuxuuna ii sheegay in laga yaabo in ay wax ka jiraan Shabakado Soomaali iyo ajnabi ah oo ka dambeeya kuwaas oo uu sheegay in aan weli si rasmi loo tilmaami Karin balse ay dhici karto mustaqbalka dhow in ay soo baxaan.

“Raadka keliya ee la hayo labada nine ee lagu qabtay Afgooye iyaga laftoodana baaritaan dheer ayey u baahan yihiin si xaqiiqda loogu tago oo loo ogaaado cidda rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan” ayuu yiri.

Waxaa jira tuhunno kale oo ah shaabakaddu inay taxan tahay ilaa iyo dalal dibedda ah ayna xiriir la leeyihiin shirkado dibedda ah oo “Human Spare Parts” ama la bixidda xubnaha aadanaha ay shaqdooda tahay inta badana ka jira dalal ku yaalla Aasiya.

Waxaa shacabka iyo dowaldda Soomaaliyeed la gudboon in ay xoogga saaraan burburinta kooxaha ganacsiga silloon ka wada dalka Soomaaliya oo ay culeysyo kale u dheer yihiin dhibaatadan cusub oo ah mid aanu qaadi Karin una adkeysan Karin shacabku.

Sidoo kalena , waxaa la gudboon in ay taxaddar yeeshaan lana socdaan hadba tallaabada ay qaadayaan caruurtooda haddii ay karaana ku hubiyaan dugsiga ay dhigtaan kana soo celiyaan marka ay ka soo rawaxayaan taas oo ay ku jirto badbaado qabka caruurta Soomaaliyeed.

WQ: Mohamed Shiil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker