Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Dawga Sheekh

Shil ka dhashay laba Gaadhi oo isku dhacay Dawga Buurta sheekh ee Gobolka Saaxil ayaa sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Labada gaadhi ee isku dhacay, ayaa kala ahaa Gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo ay leedahay Shirkadda Nabad-gale iyo Baabuur nooca raaxada ah, waxaana dhintay mid kamida wadeyaashii labada gaadhi, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ee Gobolka Saaxil oo warbaahinta kula hadlay goobta shilku ka dhacay.

Cisbitaalka guud ee Magaalada Sheekh , ayaa la geeyey Afar qof oo dhaawac ah iyo Hal qof oo Mayd, sida uu sheegay maamulaha Cisbitaalkaasi oo isna warbaahinta la hadlay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker