Nin Lagu Eedeeyay Weerarkii Paris Ee 2015 Oo Jarmalka Lagu Qabtay.

Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa maanta sheegay inay xidheen nin Bosnian ah oo lala Xidhiidhinayo weeraradii argagixiso ee 2015 ka dhacay magaalada Paris ayna u masaafurin doonaan dalka Belgium.

 

Xafiiska booliska federaalka Jarmalka iyo dacwad oogayaasha magaalada Dresden ayaa bayaan ay si wadajir ah usoo saareen ku sheegay Nin kan 39 jir ah ee  lagu qabtay habeenkii 19-kii June  Amar kasoo Baxay Mauuliyiinta Dalka Belguim

Waxaa lagu eedeeyey “inuu caawiyey urur argagixiso oo lala xidhiidhiyey weeraradii argagixiso ee uu ku jiro kii lagu qaaday hoolka xafladaha Bataclan ee magaalada Paris, 13-kii November 2015.”

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay in ninkan lagu beegsaday baaritaan kale oo ka dhan ah laba qof oo u dhashay dalka Bosnia oo lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen sharciga xakamaynta hubka militari.

Weeraradii Paris ee 2015 oo si gaar ah loola beegsaday hoolka xafldaha ee Batclan, garoonka kubadda cagta iyo dhowr maqaayado ayaa waxaa lagu dilay 130 qof, waxaana sheegatay kooxda Daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker