Taliska CIidanka Booliska oo Sheegay In Gacanta Lagu Soo Dhigay Eedaysane Dil Gaystay

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in ciidanka Booliska uu gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle Nuux Axmed Ismaaciil oo loo haysto in uu dilay Marxuumad Nasteexo Ismaaciil Aadan.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in taariikhdu markay ahayd 24.11.2020 xili 11:00 habeenimo ah uu gacan ku dhiiglaha falkan loo hayaa tagay guriga uu leeyahay Mustafe Xasan Gaafaadhi isagoo halkaasi ku dilay marxuumadda kadibna u baxsaday guri kale. Baadhitaan iyo hawlgal ciidanku sameeyay kadibna gurigaa laga soo qabtay.

Sida Afhayeenku sheegay Nuux Axmed Ismaaciil oo loo yaqaano  Nuux Caddaani waxa uu marxuumadda ku dilay Hinaase isagoo Faash Tunka kala dhacay.

Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa intaa raaciyay inuu eedaysanuhu Qiraal maxkamadeed ku sheegay inuu falkaas dilka ah gaystay isagoo Miyirkiisa iyo Maankiisaba qaba.

 

 

https://www.youtube.com/watch?v=h1GpuQqSvzs

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker