Golaha Xildhibaanada Somalia oo Maanta Ansixiyay Qoondada Haweenka

Muqdisho (OWN) – Xildhibaanada Golaha  baarlamanka Fedederaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay yeesheen waxay ku Ansixiyeen mooshinkii shalay loo gudbiyey ee ku saabsanaa Qoondada kuraasta Haweenka.

 

Xildhibaanada oo yeeshay kulankii 5-aad ee kalafadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoomiyey guddoomiyaha baarlamanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen 143 Xildhibaan ayaa wuxuu ajandihiisa ahaa dhameystirka dooda ku saabsan xeerka qoondada haweenka kadib markii shalay la hor geeyey mooshin ku saabsan arrintan.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay mooshinkii shalay loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana ay saxiixeen 132 Xildhibaan.

 

134 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ogolaaday in kuraasta Haweenka aan lagu darin kuwa ragga oo loo gaar yeelo doorashada soo socota, islamarkaana kuraasta hadda ay haweenka ku fadhiyaan ay u tartami karaan oo kaliya haween. Waxaa diiday 7 Xildhibaan.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Xerkaan oo kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka uu yahay mid ansax ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker