Shir-weynihii Beesha  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriiska Oo Ka Qabsoomay Magaalada Birmingham   Ee Dalka UK

Birmingham (OWN)-Shir-weynihii Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriiska ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada  Birmingham  ee dalkaasi. Shir-weynahan oo ahaa mid mugle oo ay kasoo qayb-galeen, Madax-dhaqameedka, Haldoorka, Dhalinyarada,Haweenka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Beesha Isaxaaq Carre Ee ku nool Dalka Ingriiska, oo iskaga yimi dhamaan guud ahaan Gobolada iyo magaalooyinka  dalka UK ee ay ku kala nool-yihiin.

Image may contain: 5 people, people standing, child and indoor

Shirkan oo ahaa shir horumarineed oo Beel-weynta Isaxaaq Carre ee ku nool dalkaasi UK kaga arinsanaysay, Midnimada, Isku-duubnaanta iyo danahooda gaarka ee beel ahaaneed sidii ay u hour-marin lahaayeen, uguna midoobi lahaayeen.

Shirkan oo ahaa Shir-weynihii ugu balaadh-naa ee Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku iskugu yimaadaan ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo jeediyey ,Gudoomiyaha Shir-gudoonka Shirka Haldoor C/laahi Fayr Nuur ,Xogahayha Shir-gudoonka Aniis Macalin Haaruun, Gudoomiyahii Gudidaii qaban-qaabada Maxamed Yuusuf Maakhiri, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xil Xoog) oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland,Gudoomiyaha Guud ee Gudida Qurbe-joogta Beesha Isaxaaq Carre Haldoor C/laahi Cismaan,Haldoor C/qaadir Ismaaciil Geele oo kamida Xubnaha Gudida Guud ee Qurbajooga Beesha Isaxaaq Carre

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Image may contain: 3 people, people standing and beard

Image may contain: 1 person, indoor

Image may contain: 14 people, people smiling, people standing, suit, wedding and indoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and indoor

Shirkan ayaa Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku waxa ay taageero mug iyo miisaanle kula garab istaageen shir-weynihii guud ee beeshu horaantii bishii sadexaad ee sanadkan 2019 ku yeelatay Degmada Cadaadley ee Gobolka Maroodi-jeex , iyagoo isla markaasina hambalyo iyo taageero mugle usoo jeediyey Gudida Guud ee Beesha Isaxaaq Carre kusoo dooratay Shirkaasi Cadaadley oo ay tibaaxeen in loo daba-fadhiisan-doono hagida iyo hogaaminta guud ee Beesha inta mudo xileedka la doortay kaga eeg yahay.

Dhinaca kale Shirkan Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku ayaa waxa lagu doortay Gudi shan xubnooda oo ay yeelan doonaan Beelsha Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin

  1. Maxamuud Xuseen Ileeye : Gudoomiyaha Gudida Beelsha Isaxaaq Carre ee dalka UK
  2. Maxamed Aw Yuusuf : Xoghayaha Gudoomiyaha Gudida Beelsha Isaxaaq Carre ee dalka UK
  3. C/shakuur Ibraahin: Afhayeenka Gudoomiyaha Gudida Beelsha Isaxaaq Carre ee dalka UK
  4. Ismaaciil C/laahi Daahir: Xidhiidhiye
  5. Saleebaan Jaamac: Qasnaji

 

Shirkan oo mudadii uu socday Beel-weynta  Isaxaaq Carre ee dalka Ingiriisku, kaga arinsatay waxyaabo badan oo muhiim u ah horumarkooda beel ahaaneed ayaa waxa gunaanadkii soo xidhay Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin oo kamida Salaadiinta waa weyn ee beesha isagoo isla markaasina kasoo qayb-galayaashii shirka uga mahadnaqay sida muga iyo miisaanka leh ee ay usoo ajiibeen shirka iyagoo safaro dhaadheer usoo galay imaatinka shirka ugana yimi gobolo iyo magaalooyin aad u kala durugsan .

Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin ayaa sidoo kale hambalyeeyey Gudida cusub ee Beesha Isaxaaq Carre  ee UK kusoo doortay shirkan isagoo isla markaasina ugu duceeyey in ilaahay ku asturo xilkaas culus ee beeshu u igmatay.

Image may contain: 12 people, people smiling, people standing, suit and indoor

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and beard

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker