Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Xaafada Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa galabtii maanta lagu soo wargeliyay dab ka kacay Xaafada Boqol iyo Kontonka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

 

Dabkan ayaa noociisu ahaa guri daara kaasoo ka koobnaa Laba Qol, waxaana Gubtay Qolka Cunto karinta ee Kijjada, waxaana yaalay halkaa kabadh iyo Sariir kuna gubtay Kijada.

 

Ciidanka ayaa ka hawlgalay dabkaa waxaana ciidanku ku guuleystay daminta dabkaaa iyadoo ciidanku ku xakameeyay dabkaas isla halkii uu ka bilaabmay, sidoo kale ciidanku wuaxuu dabkaa ka xakameeyay guryo badan oo ku hareeraysnaa gurigaas dabku ka bilaabmay.

 

Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka Taliye Cabdifataax Maxamed Xaashi(Sulux) iyo dhamaan saraakiisha ciidanka oo hawlgalkaa iyo daminta dabkaa ku guuleystay.

 

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Ibraahim koodbuur ayaa iyaguna ciidanka dabdemiska Qayb kala ahaa Hawlgalkan Daminta dabka, kuwaasi oo badanaaba kala hawlgala ciidanka hawlgalada.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL

Hargeysa/Somaliland.

Emergency Call-990

Facebook/Twitter/Skype/Ciidanka Dab-demiska  

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker