Ex_ Suxufi Maxamed Maxamuud Cadde.oo Fasilay Xubnaha Sida Sharci darada ah ugu jira Gudida Doorashooyinka Somalia
Muqdisho (OWN) – Doodda ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la xidhiidha in xubnaha ku jira qaarkood ay yihiin askar, ayaa waxaa saacidaya dhanka sharciga.
Aqoonyahanada qaarkood ayaa sheegaya inay tahay in dhammaan xubnaha ciidanka ee ku jira guddiyadan ay is-casilaan, maadaama dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada qalabka sida aysan qeyb ka noqon karin siyaasadda,
Sidoo kalane shaqaalaha dowladda aysan siyaasada qeyb ka noqon karin ilaa ay shaqada ka tagaan.
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Cadde oo ah weriye hore oo ka tirsan BBC, hadana darsa arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay ciidamada in aysan ka mid noqon siyaasadda, haddii ay hada ku jiraana ay iska casilaan xubinimada guddiga.
“Waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan dastuurka, ciidan iyo shaqaale kama mid noqon karaan siyaasadda, dhalinyarada ciidamadu waa in aan la qaldin,
fadlan ka baxa guddiyada sharci maaha
mustaqbilkiina yuusan ku ciyaarin rag daneestayaal ah,” ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Cadde.
Sidoo kale Maxamed Maxamuud Cadde ayaa dhinaca kale madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka ka dalbaday in aysan dalka gelin qalaalaaso amni iyo mid siyaasadeed.
Dowladda Soomaaliya waxay diiday doodad ah in xubno ka tirsan sirdoonka ay qeyb ka yihiin guddiyada doorashada, waxayna meesha ka saartay in isbeddel lagu sameeyo.
Mucaaradka ooh adda shir uu uga socda Muqdisho ayaa wacad ku maray inaysan ka qeyb gali doonin doorashada, haddii aan guddiyadaas isbeddel lagu sameyn.