Madaxweynaha Colombia oo ku dhawaaqay inay xiriirka u jarayaan Israel

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarayaan Israel, sababo la xiriira duulaankeeda Marinka Gaza.

Isagoo Arbacadii Caasimadda Bogota kaga qaybgelayay isu soo bax dadweyne oo ku aaddanaa xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka ayuu sheegay in dunida aysan aqbali karin dhibaatada ka taagan Gaza.

“Waxaan hortiina ka sheegaya in xukuumadda isbedelka ay berrito ku dhawaaqi doonto inaan xiriirka diblomaasiyadeed u jarayno Israel.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa shacab ku taageeray warkan ka soo yeeray Madaxweynaha.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa dhalleeceeyay hadalka Madaxweynaha Colombia.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan uu la mid yahay in Xamaas lagu abaalmariyay weerarkii October 7-deedii ay ku qaadday dhulka ay Israel maamusho.

Wasiir Katz ayaa sheegay in Madaxweyne Petro uu yahay nin uu naceyb ka buuxo, sida uu yiri.

Madaxweyne Petro ayaa muddooyinkii ugu dambeysay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku dhaliilayay dembiyada ka dhacaya Gaza.

Gustavo Petro, Madaxweynaha Colombia ayaa 31-kii bishii October u yeeray Safarkoodii u joogay Israel.

Madaxweynaha ayaana bishii November sheegay in istiraatiijiyadda ah in dad rayid ah la laayo, si argagixiso loola dagaalamo ay mar kasta guuldarro ku soo dhammaato.

Bishii ina dhaaftay ee April, Dowladda Colombia ayaa codsatay inay ku biirto dacwadda ka dhanka ah Israel ee ka socota Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ee ku saabsan in xasuuq ay ka gaysatay Gaza.

Hadalka haatan ka soo yeeray Madaxweyne Petro ayaa ku soo aadaya, xilli uu kordhayo walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo duulaanka uu Netanyahu iclaamiyay in ciidamadiisa ay ku qaadayaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, oo ah goobtii ugu dambeysay ee ay gabaadsanayeen dadka rayidka ah ee laga soo barakaciyay guryahooda.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Arbacadii shalay sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza, tan iyo 7-dii October ay gaartay 34,568 qof, halka tirada dhaawacana ay ku sheegtay 77,765 qof. Dhammaan dadkan ayaa ah rayid, sida ay sheegtay wasaaraddu, isla-markaana ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker