Real Madrid Oo lagaga badiyay Tiradii abid ugu badnay 7-3 Real Madrid Vs Atletico Madrid

Real Madrid ayaa ceebtii ugu weyneyd ay ka soo gaadhay kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid ka dib markii 7-3 lagu xasuuqay kulankii saaxiibtinimo ay labada kooxood ku ciyaareen dalka Mareykanka.
Diego Costa ayaa afar gool u dhaliyay Atletico Madrid laakiin casaan qaatay isaga iyo Carvajal markii ay dagaalameen.

Daqiiqad ma aysan soconin ciyaarta markii uu weeraryahanka Spain Diego Costa hogaanka u dhiibay kooxda Atletico, todoba daqiiqo ka dib waxaa hogaanka u dheereeyay Atletico saxiixooda cusub Joao Felix.
Markii ay ciyaartu mareysay 19 daqiiqo Atletico Madrid ayaa 3-0 ku hogaamineysay iyadoo uu shabaqa u soo taabtay xiddiga laga yaabo inuu xagaagan ka tago ee Angel Correa.

Daqiiqadii 28aad Deigo Costa ayaa dhaliyay goolkii afraad ee Atletico ahaana kiisii seddexaad, isagoo ka hor dhamaadkii qeybta hore dhaliyay goolkiisii afaraad oo ahaa rigoore, iyadoo lagu kala nastay iyadoo Atletico ay 5-0 ku hogaamineyso Real Madrid.

Daqiiqadii 59aad ee qeybta labaad Real Madrid ayaa gool soo ceshatay iyadoo uu u saxiixay Nacho Fernandez, lix daqiiqo ka dibna labada kooxood ayaa min 10 ciyaaryahan noqday ka dib markii dagaalameen daafaca Real Dani Carvajal iyo weeraryahanka Atletico Diego Costa kuwaasoo casaan toos ah la siiyay.

Xasuuqii ay Atletico ku heysay Real Madrid halkaas kuma joogsan waxa ay goolkoodii 7aad dhaliyeen daqiiqadii 70aad iyadoo uu u saxiixay Vitolo.
Daqiiqadii 85aad ayaa Real Madrid ay soo ceshatay gool labaad markii uu rigoore u dhaliyay weeraryahanka Faransiiska Karim Benzema. Daqiiqadii 89aad ayay heleen gool seddexaad iyadoo uu madax ku dhaliyay da’ yarka Javi Hernandez.

Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 7-3 oo ay Atletico Madrid ku badisay kulankaan oo ka mid ahaa tartanka saaxiibtinimo ee International Champions Cup.
Inkastoo ciyaar saaxiibtinimo ay aheyd hadana natiijo ceynkaan oo kale ah waxa ay dhaawac ku tahay kalsoonida ciyaartoyda Real Madrid ka hor xilli ciyaareedka cusub, tababare Zidane ayaana u baahan inuu shaqo badan ka qabto xiddigihiisa ka hor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedka La Liga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker