Turkiga iyo Giriigga Oo Isku Haysta Tahriibayaal Qabowga ugu dhintay xudduuddooda

Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah ayaa qabow ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga, waxaana labadani waddan uu midba midka kale ku eedeeynayaa mas’uuliyadda masiibadaasi.

Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga in ay tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduuda, taasi oo sababtay in ay qabow u dhintaan.

Giriiga ayaa isna dhankiisa ku gacan seyray eedeymahaasi.

Labadani waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo talaabaya xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegaya in meydadka sagaal ka mid ah muhaajiriintaasi la helay subaxnimadii shalay oo Arbaca ahayd, arrintaasi oo keentay in baaritaan laga sameeyo aagaasi kaddibna la helo meydka laba qof oo kale.

Qof kale oo qabowga ba’an uu haleelay ayaa isla aagaasi laga helay wuxuuna markii dambe ku dhintay isbitaalkii lagu daweynayay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada xadka ee dalka Giriiga in ay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka furteen dharkii iyo kabihii ay xirnaayeen, ka hor inta aysan dib ugu celinin xudduudda Turkiga la wadaago dalkaasi xilli qabow ba’an uu jiray.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha socdaalka ee dalka Giriiga, Notis Mitarachi, ayaa sheegay in geerida muhaajiriintaasi ay tahay masiibo, balse waxa uu sheegay in eedeynta ka soo yeertay Turkiga ay tahay mid xaqiiqada ka fog.

“Muhaajiriintani marnaba ma aysan soo gaarin xudduuda, wararka ah in ay xudduudda soo gaareen ama eedeynta ah in dib loogu celiyay xudduudda Turkiga, waa wax aan micno lahayn,” ayuu yiri.

Giriiga ayaa lagu eedeeyaa in si khasab ah uu dib ugu celiyo muhaajiriinta xudduudda dalka Turkiga – arrintaasi oo sharcidarro ah marka loo eego shuruucda caalamiga ahi ee xuquuqda aadanaha.

Giriigga ayaa marar badan lagu eedeeyay in uu dib u soo celiyo muhaajiriinta magangelya doonka ahi.

Sanadkii 2020, koox muhaajiriin ah oo kaashanaya hay’ad samafal ayaa sheegay in markii ay Giriigga galeen lagu soo raray doomo dibna loogu soo celiyay dhanka Turkiga.

Giriiga ayaa arrintaasi beeniyay, wuxuuna sheegay in tallaabooyinkiisa ilaalinta xudduudihiisa ay waafaqsan yihiin shuruucda caalamiga ahi.

Giriigga ayaa marin u ah qaxootiga iyo muhaajiriinta ku wajahan qaaradda Yurub. Haseyeeshee Giriiga ayaa adkeysay xudduudihiisa tan iyo markii saandkii 2015 ay dalkaasi galeen muhaajiriintii ugu tirada badnaa.

Waxa uuna ku doodayaa in uu ilaalinayo xudduudaha dibadda ee Midowga Yurub, waxa uuna ku eedaysay Turkiga in uu ka gaabiyay ka hortagga safarrada halista ah ee muhaajiriintu ku soo galayaan qaaradda Yurub.

Isagoo ka falcelinaya dhacdadani ugu dambeysay ayaa Mitarachi wuxuu yiri: “Intii uu jeedin lahaa eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn, Turkigu wuxuu u baahan yahay in uu guto waajibaadkiisa oo uu ka shaqeeyo sidii uu uga hortagi lahaa qulqulka muhaajiriinta galaya qaaradda Yurub ee naftooda khatarta gelinaya.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker