Qaramada Midoobay oo ergay cusub usoo magacowday Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ergeyga cusub ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

Catriona Laing ayaa xilka kala wareegaysa James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo lagu ammaanay  hoggaamintiisa inta uu xilka hayo.

Laing oo haysta in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah, waxa ay jagooyin badan kasoo qabatay siyaasadda dawladda UK, heer qaran iyo heer caalamiba.

Waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha UK (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009).

Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Safiirka cusub ayaa waxay dhawaan soo noqotay Safiirka Ingiriiska ee Nigeria iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Zimbabwe.

Laing waxa ay ka shaqayndoontaa wadahadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin ka caawin doonta dowladda Soomaaliya dhismaha hay’adaha dowliga ah, horumarinta xuquuqul insaanka iyo ku dhaqanka sharciga, isku dubaridka dadaallada gargaarka bini’aadinimo, iyo taageeridda nabadda iyo amniga qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker