Taalada Zlatan Ibrahimovic Oo La Burburiyey Mar Kale, Stockholm Oo Loo Soo Rarayo

Ka dib markii la isku dayay in dhowr jeer la burburiyo taalladi Zlatan Ibrahimovic ee tiilay Barxadda hore ee Garoonka magaalada Malmö   Ee Dalka Sweden ayaa meel cusub looga baneeyay taaladaa magaalada Stockholm.

Waa sida uu sheegay Samuel Laulajainen oo maareeye ka ah masraxa caanka ah riwaayadaha ee Södra Teatern. Maareeyaha ayaa doonaya in taallada Zlatan la ag dhigo qoraaga caanka ah ee August Strindberg oo isna taalo ku leh barxada Mosebacke ee Stockholm.

 

Sida ay u egtahay reer Malmö ma dooneyaan taallada Zlatan. Waxaa haboonaan laheeyd in halkan la keeno, bulshadu way soo dhaweeyn lahayd, ayuu sheegay Samuel Laulajainen oo maareeye ka ah masraxa carwooyinka ee Södra Teatern.

Akhbaartii inuu Zlatan Ibrahimovic ka mid noqday mulkiileyaasha naadiga kubbadda cagta Hammarby ayaa dhalisay dareen aad u wayn.

In taallada Zlatan la keeni doono Stockholm iyo in kale weli degmada Malmö warbixin kama dhiibin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker