Beesha Caalamka oo Faraha Lasoo Gashay Gudiyada Doorashooyinka ee Somalia

Muqdisho (OWN)  Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Oodwaynenews  ayaa sheegaya in beesha caalamka ay Madaxweynaha Soomaaliya kala hadashay doodda ka taagan dhismaha gudiyada doorashooyinka qaranka iyo kuwa heer dowlad gobaleed.

Mucaaradka ayaa dhowaan sheegay in guddiyada ay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda sirdoonka ee NISA,

 

Halka sidoo kalena uu muran ka taagan yahay in xubnaha  la Doonayo inay Matalaan Somaliland oo ay soo magacowday xukuumaddu.

 

 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ka dalbatay in guddiyada oo dhan ee qaranka iyo heer maamul laga saaro wixii ciidan iyo shaqaale dowladeed ah.

 

 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Warbaahinta  u sheegay in beesha caalamka ay dhowr qof ka calaamadeysay guddiyada farsamada iyo xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka Qaranka .

 

Iyo guddiyada doorashooyinka ee maamul gobaleedyada HorShabeelle, K/Galbeed iyo Galmudug, halka kan Somaliland laga dalbaday in ay xaliso doodaha ku geedaaman iyadoo loo marayo waddo sharci ah.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu u sheegay beesha caalamka inaysan jirin ciidan ku jira guddiyadan.

 

 

Xubno kamid ah Villa Somalia oo aan la hadalnay islamarkaana aan weydiinay arintaan ayaa sheegay in dalkaan uu yahay dal madaxbanaan oo xor ah islamarkaana aan waxba loo yeerin, taas oo keeni karta in ay diidaan dalabka mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha,

 

Ayaa sheegay in guddiyada ay yihiin sida loogu heshiiyey oo loo magacaabay, islamarkaana aan waxba laga beddeli doonin oo doorashada ay sidaas ku dhaceyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker