Mareykanka Oo Aqoonsaday Qaabka ay U dhacday Doorashada Madaxweynaha Galmudug .(Akhriso)

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga dib u heshiisiinta Galmudug.

 

”Danjire Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha” ayaa qoraalka lagu yiri.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Yamamoto uu hambalyo u dirayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug loo doortay Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) taasoo astaan u ah inuu Mareykanka aqoonsaday doorashadii Maanta ka dhacday Dhuusamareeb.

HOOS KA AKHRISO;

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker