Trump oo Diiday inuu Aqbalo in laga Guulaystay
Washintong (OWN) – Donald Trump ayaa diiday inuu aqablo natiijada doorashada madaxweynaha Mareykanka, kadib markii lagu dhowaaqay inuu ku guuleystay Joe Biden.
Trump, oo golf ku cayaarayey Waqooyiga Gobolka Virginia ee deriska la ah Washington markii tratanka lagu kala baxay, ayaa soo saaray bayaan isaga oo isku dayaya inuu waxyeeleeyo sharciyadda doorashada, soona jeedinaya eedeymo aan caddeyn loo hayn oo la xidhiidha waxuu ugi yeedhay Khiiyaameyn.
“Doorashadan aad ayey uga fog tahay mid dhammaatay,” ayuu yidhi Trump. “Joe Biden weli looma sharciyeyn inuu ku guuleysto xitaa hal gobol,
Iskaba daaba gobollada aadka la isugu hayo, iyo kuwa ololaheena uu hayo loolan sharci ah oo ugu dambeyn go’aamin doona qofka guuleystay.”
Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu maalinta Isniinta ah qaadi doono tallaabooyin sharci ah, isaga oo maxkamadaha ka furi doona dacwado la xidhiidha qiyaameynta uu sheegay in lagu sameeyey.
Si kastaba, dadka ku dhow Trump ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in madaxweynaha uu mar ay ahaataba ogolaan doono in laga adkaaday.
Balse waxaa jira kuwa kale oo rumeysan inuu geli doono dagaal sharci ah oo adag.
Dhanka kale, Hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ee Congress-ka Mareykankas, sida hoggaamiyaha aqlabiyadda ee Senate-ka Mitch McConnel ayaa weli ka aamusan doorashada.
Waxaa kaliya ka hadlay Senator Mitt Romney, oo ay aad isu neceb yihiin Trump, sidoo kalena isaga naftiisa looga adkaaday doorashadii 2012. Romney ayaa Biden iyo Harris ugu hambalyeeyey qoraal uu soo dhigay twitter-ka.
Isaga oo yidhi “waxaan labadoodaba ognahay inay yihiin dad wanaagsan oo leh dabeecad lala dhaco.”
Si kastaba ma cadda sida arrintan ku dhammaan doonto, hase yeeshee waxaa la isku raacsan yahay in Trump uusan haysan wax caddeymo ah oo uu la tago maxkamadaha oo la xidhiidha Khiyaamada uu ku sheegay doorashada.