DEGDEG: BAKHTIGA KALLUUNKA & XAYAWAAN BADEEDKII KALE OO XEEBAHA SANAAG WADHAN

Ceerigaabo(OWN) Wararka ka imanaya degaan-xeebeedyada Geelweyte, Waqderiya iyo Laasasurad ayaa sheegaya in kalluunka iyo xayawaannada kale ee libaax-badeedku ugu weyn yahay iyagoo dhintay ay debedda ugasoo bexeen biyaha badda kuwaasoo meydkoodii xeebaha daadsan yahay.

Waxa kaloo wararku intaas kusii darayaan in biyaha badda laga dareemayo qabow aad u badan iyo weliba midabka biyaha oo umuuqda mid kamadow sidiisii hore.

Lama garanayo sababta xayawaan badeedkani u dhimanayo iyo sababta biyaha midabkoodu u doorsoomay ilaa hadda.

Dhinaca kalena tan iyo intii xukuumadda Muuse Biixi midaysay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga waxa soo ifbaxayey dayac tiro badan oo kajira dhinaca badda iyo khayraadka kuduugan oo ah mid xoolaha nool ka badan kana faa’iido badan, taasoo loo aanayn karo mas’uuliyiinta xilka wasaaradahan isa-saaran kumagcaaban oo ay yar tahay xidhiidhka aqooneed ee ay badda u leeyihiin sidaas awgeedna ku tuuntuunsanaya oo xoogga saaraya xagga xoolaha nool (livestock) oo keliya.

 

C/laahi Xuseen Darwiish

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker