Booliska Mareykanka oo Diyaaraddo ku raadinaya Wiil Soomaali ah oo la la’yahay

Magaalada Columbus ee Gobolka Ohi ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu la’yahay oo la baadi goobayaan wiil Soomaali ah oo kamid ah Soomaalida kunool dalkaas.

Ciidanka Booliska iyo qaar kamid ah bulshadda ayaa ka baadi-goobaya goobtii ugu danbaysay ee lagu arko Wiilka Soomaaliga oo lagu magacaabi Cali Sheegoow oo ah 17 sanno jir ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Columbus, Ohio.

Wiilka Soomaaliga ee la raadinayo Cali Sheegoow ayaa markii u danbaysay waxaa la tilmaamay inuu ku sugnaa good haro oo ah xaafad u dhow halka uu degan yahay oo fadhiyaan biyo badan, sida lagu arkay Sawirro laga soo qaaday.

Booliska Magaalada Columbus ee Gobolka Ohi ee dalka Mareykanka ayaa baadi-goobka Wiilka u adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ( Helicopters) iyo aaladaha duula ee is wada ( Drones) si loo helo Cali yare, raq iyo ruuxba lagu la’yahay.

Qaybo ka mid ah ehelka iyo dariskii wiilkan la la’yahay ayaa maanta ku wada sugnaa meeshii ugu danbaysay ee uu Cali ku sugnaa, iyagoona Booliska ka dalbaday inay u soo helaan Wiilkooda oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker