Wararkii ugu Dambeeyay ee Doorashada Madaxtinimada Maraykanka

Qofna wali kuma guuleysan doorashadii madaxtinimo ee Talaadadi ka dhacday dalkan Mareykanka,

 

Sababo la xidhiidha tirinta codadka lagu soo diray boostada oo wali ka socoto ilaa shan gobol oo aad muhiim u ah.

Madaxweyne Trump iyo musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden ayaa labaduba guulo ka gaadgay gobolladi la filayay in ay ku kala badiyaan,

 

Laakin waxaan  la kala ogaan oo ay musharraxiituna aad isugu dhaw yihiin shan gobol oo laba ama saddex ka mid ahi go’aan ka gaadhi doona natiijada doorashada ugu danbeyn caawa ama Jimcaha berrito ah.

 

Gobollada Georgia iyo Pennsylvania oo dhaca dhinaca bari, iyo Arizona iyo Nevada oo galbeed ku yaalla, ayay saraakiishu wali tiranayaan malaayiin codad ah oo isugu jiro kuwo boosto lagu soo diray iyo qaar ay dadka horay u sii dhiibteen inti aanan lasoo gaarin maalinti Talaadada.

 

 

Trump ayaa Hogaaminaya Georgia iyo Pennsylvania halka Biden uu hogaaminayo gobollada Arizona iyo Nevada, laakin wali ma cadda guuleystaha rasmiga ah oo doorashada.

 

Waxyar kaddib marki uu xaqiijiyay inuu guulo ka keenay gobollada Wisconsin iyo Mishigan, ayuu musharraxa xisbiga Dimoqraadiga,

 

Joe Biden ayaa xalay taageerayaashiisa u sheegay, in marka ay dhamaato tirinta codadka, uu ku kalsoonyahay inuu noqon doono madaxweynaha soo socda ee shacabka Mareykanka.

Laakin madaxweyne Trump ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo tiriyay codadka gobollada muhiimka ah ee uu shalay ku guuleystay Biden iyo kuwa uu hadda hogaaminayo.

 

Isaga oo codsaday in dib loo tiriyo, halka uu maxkamadda sare ka codsaday in ay hakiso tirinta codadka ee gobolka Pennslvania.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker