Taliyaha Millateriga Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Xiin-Galool Ee Sanaag. (Sawiro) + Xukuumada Somaliland oo Tahliwayday inay Gacanta ku wada hayso Dalkeed

Saraakiil ka mid ah Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.

Saraakiishan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, ayaa gelinkii hore ee Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.

Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay oo watay Ciidamo badan oo Ilaalo ah, ayaa waxa degmada Xiin-galool ku soo dhaweeyay Dadweynaha degmadaa qaarkood iyo Ardayda Dugsiyada.

Taliyaha Iyo masuuliyiin kale ee la socday oo maalmihii ugu dameeyey safar ku marayey gobolka Sanaag, ayaa u kuur galayey xaaladaha amni ee gobolka iyo kormeerida Ciidamo kasoo goostay Somaliland.

Somaliland ayaan wali ka hadal safarka taliyaha uu ku marayo gobolka Sanaag oo ay sheegato, balse Safarkan saraakiisha Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ay aad u kacsan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker