Dhegayso: Badhasaabkii Gobolka Nugaal Oo U Geeriyooday Qarax Xalay Lagula Eegtay Garoowe.

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee mamaulka Puntland Cabdisalaan Gujir ayaa dhawayd u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay weerar ismiidaamin ah oo Xalay fiidkii lala beegsaday gaadhigiisa.

 

 

Duqa caasimadda Garoowe ayaa Xaqiijiyey gaarida Gudoomiyaha oo ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Garowe halkaasoo lagula tacaalayey xaaladiisa caafimaad.

 

Marxuumka ayey dhaawacyo culus ka soo gaadheen dhinaca madaxa, waxaana la tacaalayay muddo saacado ah dhaqaatiirta qaliinka ee isbitaalka Garoowe oo dedaal badan sameeyey.

 

Nin miineysan ayaa isku qarxiyey gaadhigiisa oo marayey Agagaarka saldhiga magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay oo kale sarkaal ciidan iyo qoif shacab ah.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan, iyagoo xusay iney ku dileen masuuliyiin ka tirsan Puntland, qaar kalena ku dhaawaceen.

 

Warkan oo Dhamaystiran Halkan Hoose Ka Dhegayso:

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker