Madaxwaynaha Somalia oo Turkiga Uga Duceeyay Dhibaatada Dhul.gariirka

Muqdisho(OWN) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaadhay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac & iyo burbur aad u xoog badan..

 

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.

Ugu dambeyn madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 ruux iyo dhaawaca boqolaal kale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker